EREYO LEH MACNE ISKU LIDDI AH

CAYNAB
1. faras caddaana oo danbisi xigeen ah
2. faras madaw dhuxuliya ah

SENGE 
1. faras dhufaanan
2. faras aan la dhufaan

DIRAAC
1. xilli barwaaqo ah
2. xilli abaar ah

JIILAAL
1. xilliga u dhexeeya Diseembar  –  maaraj
2. xilliga u dhexeeya Juun – Ogoosto

GABADH
1. marwada la qabo
2. inanta aan weli la guursan

MUKHAALAFO
1. is afgarad iyo wadajir
2. khilaaf

Advertisements

MAXAY KU KALA DUWANYIHIIN  DHADO & CEERYAAN & CIIRO & HARAB ?

1. DHADO : Fog : الضباب

waa daruur khafiif ah oo hooseysa , si kale haddaan u dhigo waa dhibco yaryar oo biyo ah oo isku cufan qiiqna wata oo aroortii la arko xilliga jiilaalka , waxay ka dhalataa marka dabayl qabow ay ku dhacdo dhul diirran  , dhadadu markay jirto aragga fogi wuu yaraadaa shilalkuna way bataan.
2. CEERYAAN : Mist : سديم

ceeryaantu way ka khafiifsantahay dhadada , waa dhibco biya ah oo hawada heehaabaya , dhulkana aad ugu dhow , ceeryaantu markay jirto waxaa la arki karaa wixii ka sokeeya 1000mitir (1km) .

3. CIIRO : Haze  : غبش

Ciiradu waa saxarro boodh iyo qiiq iwm ka kooban oo yaraysa aragtida cirkana qarisa .

4. DHARAB : Dew : الندى

waa biyo aroortii hore lagu arko caleemaha iyo ubaxyada iyo sagxadaha dushooda wuxuuna dharabku ka sameysmaa uumiga biyaha oo isu bedela dhibco biyood marka qabaw jiro.

TIIRRIYIINTII DUNIDA SOO MARAY YEY AHAAYEEN

Tiirri = qof dherer iyo laxaad weyn leh (giant)

sida taariikhdu ku warranto waxaa dunida soo maray duul waaweyn oo ummadaha intooda kale dherer iyo xoogba dheeraa

yey ahaayeen duulkaasi xaggeyse ku danbeeyeen ?

waxaa jira sheekooyin badan oo xiiso leh oo khuraafaad ah oo laga sameeyay TIIRRIYIINTA
aflaan badan ayaa laga sameeyay , sawirro badan oo been-abuurad ah oo photoshop lagu sameeyay baa qalfoofo caadi ah inta la waynaysiiyay lagu andacoodaa inay yihiin qalfoofihii ummadihii horee tiirriyiinta ahaa , dad badan oo aan wax fahansaneynna run bay u qaataan

Continue reading

SARABADDA DANABKA

Sarbadda Danabku : waa dhuun si dabiici ah u samaysantay oo hoosta ka madhan oo ka samaysmatay ciid iyo carro Danabku dhalaaliyey

Sarabadda Danabku waxay samaysantaa marka Danabku uu ku dhaco Dhulka oo uu gubo , dhalaaliyona Carrada xubuubteeda macdaneed ee kala duwan isagoo dhalo / quraarad ka dhigaya waan markuu uu gaadho heerkulka ugu sarreeya oo ah 30,000 Kelvin

….

taasi waxay ahayd sharraxaad cilmiyaysan , bal aan faahfaahinno si loo wada fahmo

Danabku markuu dhulka isagoo aad u kulu kusoo dhaco ee uu carradii kala furfurnayd dhalaaliyo intay carradaas oo macdano kala duduwan ka koobnay shiilmato ayay isku dhagto , qaabkaas dhuunta ah ama usha ama Soomaalidu ugu magaca dartay Sabarrada ayay noqotaa ,

Sabrradaasi muddo aad u yar gudaheed ayay ku samaysmataa waxay yeelataa qaabab kala duduwan mid toosan mid sida xididda geedka faracyo leh , mid soo qoollaabta , midabbo iyo dhererro kala duwan ayay yeelataa , caddaan , casuus , madow , qaar baa dhudhun le’eg qaarbaa 2 mitir ah ,
waana macdan qaali ah oo la kala iibsado Sarabaddaasi Danabku

———-

Soomaalidu maxay ka aaminsantahay ??

waxay aaminsanyihiin dadka Soomaalida ahi Sarabad adag oo Bir ahai inay cirka kasoo dhacdo oo danabku wato , taasoo dhulka intay awood weyn ku gasho sii socta muddo 40 sannadood , 40kaas sannadood markay dhulka hoos ugu sii socoto , haddana 40 sano oo dambe kor u soo socota , ka bacdina dhulka kasoo baxda uu dushiisa lagu arko iyadoo macdan qaaliya noqotay ,

waxba kama jiraan oo Danabku bir ma aha birna ma wato
40 sano na ma sii socto 40 kale na masoo socoto , waa iska khiyaali iyo mala awaal

sawiraanta Sarabadda Danabku waa kuwan hoose

AB

21369178_1454822604585946_1516583137580133011_n

12ka Bilood ee Sannad Qorraxeedka Soomaaida

Magacyada 12ka bilood ee sannad qorraxeedka Soomaalida

Xilliga Guga

1. Seermawaydo : bisha hore ee Guga oo ku beegan bisha April نيسان
waxa da’a roobka u horeeya ee guga

2. Dirir Cawleed : bisha labaad ee xilliga Guga oo ku beegan bisha May ايار
waa badhtamaha Guga waa xilli roob badani da’o , magacaas waxaa loogu bixiyay waxaa aad u dhasha Cawsha

3. Dirir Sakaaro : bisha saddexaad ee xilliga Guga kuna beegan June حزيران

——-

Xilliga Xagaaga

Continue reading

DUBNADDA دومينو DOMINO

28 dhagax bay ka koobantay dubnaddu

wajiga dubnaddu wuxuu leeyahay laba dhinac oo liid u dhaxeeyo oo dhinaciiba dhibco kala duwan ku yaalliin

 

dubnada labadeeda dhinac markay dhibco isku mid ahi ku yaallaan ama ay wada caddahay waxaa loo yaqaan HABAR / DUBAARAD

marka la ciyaarayo waa laysku shaandheeyaa oo waa la rogaa si a

Continue reading

MAGACYADA SAACADAHA (HABEEN & MAALIN)

WAABBARI : kolka waagu dillaaco

AROOR : kolka waagau baryo ilaa qorrax soo baxa

BARIISO : qorrax soo baxa ilaa barqada 6-da subaxnimo ilaa 9-ka

BARQO : amminta u dhexeysa 9-ka ilaa 11-ka galinka hore

Continue reading