AQOONTA GEELA (MAGACYO)

maadaamoo soomaalidu aad u jeceshay geela magacyada ay ula baxday geela ama ku tacaluqana aad bay u badanyihiin , oo si gaara ayay u daneeyaan

magacyadaas qayb kamida baan halkan idiin kusoo uruuriyey aqriste anigoo dhawr cinwaan u kala yeelay.

ee waxaan idin ka codsanayaa xuquuda qoraaga inaad ilaalisaan

aqris wacan
……

WAXYAABAHA GEELU UU SAMEEYO

qaylada iyo cabaadka geelu sameeyo marka la xanuunjiyo ama rar culus lagu rarayo : CABAAD.
cida geela kolkuu ubadkiisa waayo : OLOL .
awrka qoodha ah markuu bilaabayo doobbo soo ridka : GULGULODILLAACSI.
xunbada uu afka kasoo saaro awrka qooqani : ABUR.
awrka qooqan markuu doobbada soo rido : DOOBBIN ; GULGULO.
awrka markay doobbadu kasoo dhici waydo : GORAY ; GULAAL ; DOOBBOGORAY.
hinaasaha awrka qooqan gala oo uu kaga celinayo rati kale inuu geeliisa soo dahxgalo : SHEEN.
orodka uu sameeyo awrka qooqan markuu dagaallamayo : QALDHOW.
labada rati ee is dilaya markay luqumaha is dhaafsadaan si ay isu qaniinaan : DARO.
qaniinyada ay isgaadhsiiyaan labada rati ee is dilay : DHAABALO.
isutagga geela : ABAAH.
ratigu markuu qooqbaxo : DA’FUR.
si xoogle oo uu geelu ordo : BAABBACO ; DURDURO.
orodka geelu uu afarta addinba mar qaadayo : DHABAABACO.
qaabkuu u socdo neef geeloo seetaysan : SILIQLE.

___________________

XADHKAHA IYO RARADA GEELA

xadhigga rarka lagu adkeeyo ee isaga gudba labada dhinac : CAYN.
xadhigga geela lagaga xidho surka iyo madaxa ee lagu kaxeeyo : HOGGAAN.
suunka awrta marka la raro laabta lagagasoo xidho si rarka loogu xejiyo : BAYD.
suunka awrka dabada loosoo geliyo si aanuu rarka saarani horey horey ugu dhicin : DABAGGELIS.
maydhax ama xadhig naasaha lagaga xidho geela si aan ilmuhu u jaqin : MARAQ ; MAR.
xadhigga dheeree dabaggaliskiisa wata ee rarka loo isticmaalo : YEEL.
gogosha awrka la saaro marka la rarayo si ay uga celiso waxyeellada rarka : KARBAASH ; KEBED ; ABJAD ; HEERYO ; QOBTOL ; AMBAAL ; REERYO
karbaashka ayaa loo horreysiiyaa , magacyadani dhamaantood hal shay ma tilmaamayaan .
labada udub ee sida isku tallaabta ah (X) loo saaro awrka marka la dhaaminayo : KABAALLO.
meel raaxo leh oo awrka raran dushiisa laga sameeyo , oo caruurta loogu talo galay : GURO.
gurada hadhka loo yeelayna waxa la dhahaa : HOOSAAMIN

____________

AMARADA & XEELADAHA GEELA LOO ADEEGSADO GEELA

ARUN , ARUMID ; TU’IN ; SU’IN : neefka geela ee taagan marka la fadhiisinayo.
DOOH : erey lagu dhawaaqo marka neefka geela ah oo socda la joojinayo.
QARQARSI : jeeniga iyo luqunta awrka oo xadhig la isugu xidho si aanuu awrku u kicin marka la rarayo.
SEETO / DABAR : geela oo labada addin ee hore laga xidho si aanuu u fogaan.
SHAKAAL : hab geela loo xidho oo lug iyo jeeni isku dhinca ah la isugu xidho si aanuu u baxsan.
HAANEED : dhanka bidix oo laga istaago marka geela la lisayo.
SIDIG : ogolaysiinta hasha la ogolysiiyo ilmo aanay dhalin.
IBAGUJO : salaaxidda naasaha hasha irmaan si ay u godlato
MAQAARSAAR : hasha ilmaheedii ka dhintay oo ilma aanay dhalin la saaro maqaarka ilmihihii ka dhintay si ay u gudlato

________________

MAGACYADA & NOOCYADA GEELA

neef geela : TULUD.
geela kiisa lab : AWR ; RATI ; HARTI.
geela kiisa dheddig : HAL.
ilmaha geela ee dhiciska ah : AFKUXUUBLE ; CABAAD-DHEERE ; MAAQURRE ; DULKUMALABLE ; QOORJABANE
waa kala heerar oo qaarbaa dhasha iyagoo mayd ah (QOORJABANE) , qaar baa dhasha iyagoo aan kici Karin , oo kuwaas waa la cunaa , qaarna waxay dhashaan waqtigoodii inyar ka hor wayna kacaan sida (DULKUMALABLE).
geela dhashiisa ilaa labajir uu gaadhayo oo uu caanaha ka go’ayo : NIRIG lab&dheddigba , NIRGO.
geela dhashiisa lab ilaa labajir : QURBAC ; NIRIG ; AWR.
geela kiisa yaree caanaha ka go’ay balsr aan curasho ama rarasho gaadhin : QAAN ; QAALIN ; AARAN.
qaalinta aan weli curan oo gaadhay da’dii ay ku dhali lahayd : ABEER ; BAATIR.
geela kiisa da’da yar : LUQMALIIGLE.
hasha da’ kasta qurbac dhasha : AWRDHAL.
hasha caanaha badan : MADI ; DALAWI.
hasha caanaha yar : MAGAAN ; BAAQIMO.
hasha gudhan : GAANE.
geela dhaadheer : EERAAN.
geela caanaha badan : HOOR.
awrka aan la dhufaanin ama aan la raran ee geela loogu daro uun inuu rimiyo: BAARQAB.
awrka la dhufaanay ee cayilan : GOOL ; KORON.
ratiga aan weli rarka baran : BUUB ; CAYMAD ; LAYLI.
awrta biyaha lagu doonto : DHAAN.
awrta isku xidhiidhsan : QAAFILO ; ASTAAJIR ; SAFAR ; ISKU XIDHIIDH ; GARAWAAN.
boqolka neef ee geela ee meel wada jooga : KADIN ; FOOF ; FADHI

__________

XUBNAHA GEELA
…………

tuurta geela : KURUS.
dhogorta kuruska geela dushiisa ka baxda : BAAR.
garbaha geela , inta u dhaxeysa kuruska iyo luqunta : GARBO.
qaybta kuruska ka danbeysa , miskaha korkooda : MARAQSAAR.
qoorta geela inteeda hoose : GUUXWAYN.
laabta geela : SHAF.
inta u dhaxeysa shafka iyo candhada geela : MUD.
kiishka yar ee uu afka kasoo rido awrku kolkuu qooqanyahay : DOOB ; GULGULO.
cagta geela : GOMOD ; CAGAF.
lugta geela qaybteeda sare meesha lowga u eg ee maqaarka adag : GOROFLEGED.

________________

WEELKA GEELA LAGU MAALO
……..

weelka geela lagu liso (maalo , duugo) : HADHUUBGAAL ; GAAWE ; TOOBKE ; TOOBE ; DOOBI ; BIRE
isku wadanooc maa aha oo qaar baa la tolaa , qaar baa la qoraa , way kala wayn yihiin.

….

W/q  Abdirahman S. Barre

 

Advertisements

Comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s