Magacyada Soomaalida & Macnahooda

way badanyihiin magacyada soomaalidu ay la baxaan balse halkan waxaan kusoo bandhigayaa  inyaroo kamida iyo macnahooda oo kooban

Abadar : macangag
Absame : isir wacan
Abyan :amakaag
Amran : karaamaysan ; calman
Asli : kuusha cambarka ah
Ashkir : ashqar ; midab dahabi casaan xiga
Ayaan : cawo ; hoodo ; qadan ;nasiib wanaagsan
Ayaanle : cawaale ; nasiib wanaagsan leh
Bakaal : qof laxaad weyn
Bakad : dhul banaan oon dhir laheyn
Baraar : dhasha idaha
Barkhad : barako
Barni : nooc timirta kamida
Barre : bar+leh
Barwaaqo : berisamaad ; bashbash
Baxsan : wanaagsan ; toolmoon
Biixi : ah caato xoogbadan
Bilan : qurxoon
Bootaan : bus ; habaas
Bullo : midab dambari ah
Bulxan : cod farxadeed
Buraale : buro+leh
Burhaan : karaamo
Canbar : saalada nibiriga
Cartan : xanaaq ; cadho
Cawaale : cawo+leh ; nasiib wanaagsan leh
Cawil : bedelka wax lawaayay ; cawad
Cawo : nasiib wanaagsan
Caynaanshe : dhibaato ka badbaadiye
Caynabo : midab madawleh
Cosob : daaqa cusub ; naq
Dalmar : qof dhulal badan tagey
Deeqa : deeqda bixisa
Dhinbil : dhaameel
Dimcad : geedka qudhaca markuu yaryahay
Dhool : daruurta da’aysa madaxeeda
Dool : qariib
Durqun : gardarro
Filsan : qurux badan
Geelle : geel+leh
Geenyo : dheddiga fardaha
Guhaad : dabeecad ama cadho
Habboon : wanaagsan
Haldhaa : goroyada keeda lab
Hanad : karti leh
Hayaan : geeddi dheer ; kaynaan
Haybe : hurre ; madow
Hibaaq : ubax udgoon
Hodan : qani ; taajir
Hoodo : nasiib wanaagsan
Idil : kaamil
Ilwaad : ishu ubogto
Jaafi : dhumuc weyn
Jalaqsan : qof xubno dabacsan o qurxoon le
Jamaad : qurux indhuhu jeclaystaan
Jinow : caanaha dhanaan
Kaahin : qof qaybka kawarama
Kinsi : kansi , maal la qariyay
Koos : dabayl
Koosaar : iidaan
Koosarad : kolay timir ah
Liibaan : guul ; khayr
Looyaan : xasiloonila’aan ; wareer
Luul : iniinyo badda kusamysma ; lu’lu
Magool : cosob
Milgo : xurmo
Naalleeye : farxadi ka muuqato
Nasteexo : talo wacan ; waano
Negeeye : baajiye
Oomaar : uumi
Qaafo : naag sharaf badan
Qaaje : caddaan
Qadan : nasiib wanaagsan
Qalanjo : naag aad u qurux badan
Sabaad : dhaashi udgoon
Sagal : midabka cas e qurxoon oo xiliga roobka aroorti cirka ku dhigma
Samatar : qof wanaaga fidiya ; samakaab ; samawade
Sareedo : barwaaqo
Saxarla‘ : aan dhib lahayn
Shahmaad : amakaag
Shuun : boqorada shinida
Siilaanyo : nooc xamaaratda kamida
Sugulle : madoobe
Sulub : aan xanaf lahayn
Suubaan : nooc qorotada kamida
Tanaad : hodan
Tooxow : godane
Ugbaad : dhul ugub ah
Umal : ciil & cadho
Wacays : wanaag
Wiilo : naag sifaha raga le
Yusur : madow dhalaalaya

__
w/q   Abdirahman Barre

Advertisements

Comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s