Gefka Carrabka

Gefka carrabku waa hadalkii oo ka leexda sidii loo lajeeday ama la rabay in loo dhaho

Gefka carrabka ama qaladaadka hadalku wuxuu ku badanyahay ciyaalka oo aan wali hadalku u toosmin  , sidoo kale wuxuu ku badanyahay dadka luuqado iyo dhaqamo  ku cusub dhaxgala

Sharraxaada Gefka Carrabka
Gefka Carrabka Cid waliba way gali kartaa , badanaana qofka hadalku wuxuu ka qaldamaa markuu welwelsanyahay , naxsanyahay , xanaaqsanyahay , daallanyahay ama cabsanyahay ,

Waraysiga tooska ah ee TV-ga ama RADIO-ga marka lagu jiro tusaale ahaan qof aan aftahan ahayn ama khibrad u lahayn hadal-jeedinta , haddii  loo dhiibo mikarafoonka oo waraysi laga qaado ama uu yahayba wariye cusub oo barbarad ah wuxuu badanaa ku dhacaa gefka carrabka  , sababtuna waa  naxdinta ama welwelka uu ka qabo dadka daawanaya

Dadka qaar baase gefafka carrabka  uga nugul  dadka intiisa kale
tusaale ahaan dadka haghagada le oo kale , waayo cilaaqo ayaa ka dhaxaysa haghagada iyo gefka carrabka sidaasi waxaa qaba  Charles Hockett , wuxuu ku sharraxayaa markasta oo qofku uu kacabsado inuu ku dhaco gef carrab , wuxuu aad uga fikirayaa wuxuu yidhi ama odhan doono markaas buu khalkhal ku imaanayaa qaybta hadal-soo-saarka  oo uu wax qaldan odhanayaa
William Spooner isna wuxuu ku darsanayaa in gefka carrabka uu keeni karo jirro xaga maskaxda ah  , balse badanaa gefku inuu ku yimaado ogaal la’aan iyo halmaamid .
waata soomaalidu ku maahmaahda “Halmaan hadal kuma jiro” aragtidan waxaa la dhahaa  (Spoonerism) .
Sigmund Freud isna wuxuu leeyahay aragti kuwa hore ka duwan oo ah in Gefka Carrabk uu ka yimaado  dareen laabta ku aasnaa oo si ogaal la’aana qofka afkiisa uga soo baxa
waata ay soomaalidu ku maahmaahdo  “Waxa uurka ku jiruu afku kaa xadaa” aragtidanna waxaa lagu magacaabaa (Freudian slip)  Freud wuxuu qabaa Gef carrab oo kastaa wuxuu ka dhashaa wax laabta lagu qarsanayay.  balse waa aragti aan sax ahayn waayo marwalba hadalka qaldanee afka kasoo baxa kama dhasho wax uurka lagu qarsanayay.

Noocyada Gefka Carrabka
shibbanaha bilowga kalmada danbe oo gala horraanta kalmada hore
ujeeddo  buuga keen
gef           kuuga keen

ereyga oo qayb laga dhaxsaaro
ujeeddo  waa arrin argagixisa ah
gef           waa arrin argaxiso ah

laba erey oo weedh kuwada jira oo la isweydaariyo
ujeeddo   intaadan falin ka fiirso
gef            intaadan fiirsan ka falo

ereygii ku haboonaa hadalka oo mid usoo dhow lagu bedelo
ujeeddo    kaalay cashee
gef             kaalay qadee

ujeeddo    xageed u carraabaysaa
gef             xageed u kallahaysaa

in la isu bedelo  dhawaqa shaqalada ee laba erey  oo midba kakale dhawaqiisa yeesho
ujeeddo     tiifiiga daawo
gef              taafaaga diiwo

laba weedhood oo la rabay in midkood la dhaho oo weedhba erey lagasoo qaato
ujeeddo      tiifiiga daar  /   rimuudka keen
gef               rimuudka daar

wax uurka lagu haystay oo ogaal la’aan carrabku ku dhawaaqo
gef kanoo kale waxa laga garan karaa iyadoo qofka gefkaas galay laga dhadhansado carrabkiisa inuu wixii uurkiisa ku jiray ku hadlay lkn aanuu ku hadlin wixii laga filayay oo meesha munaasib ku ahayd

.W/q Cabdiraxmaan S. Barre


Advertisements

Comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s