Duurjoogta (Magacyo)

Mawduucan wuxu ku saabsanyahay magacyo .

Duurjoogtu waa xayawaannada duurka ku nool oo aan la dhaqan

Duurjoogtu waxay u qaybsantaa laba qaybood
1.UGAADH : waa kuwa la ugaadhsado oo cawska iyo biyaha kunool

2.DUGAAG : waa kuwa hilib cun ah oo ugaadha ku nool.
Duurjoogtu way badanyihiin waana kala  noocyo , halkanna kumasoo wada koobi karo e inta ugu caansan baan wixii ii suuragala ka sheegayaa .
Ugaadha haddaynu ku horreyno waxay u qaybsantaa laba nooc

1.ISHIN ugaadha waawayn sida goodirka biciidka iwm
2.YARIS ugaadha yaryar sida deerada , sakaarada iwm

MAROODI : ELEPHANT
Lab : Arbe ; Qoraaje ; Araye
Dheddig : Goso ; Qalanjo
Dhal : Boojay ; Uunfannays

Foolkiisa : Faan / Foolmaroodi
___________
GERI : GIRAFFE
Dheddig : Guraanti
Dhal : Booshool
_____________
GOODIR : GREATER KUDU & LESSER KUDU

Goodirku waa laba nooc mid waawayn iyo mid yaryar

GOODIRKA WAAWEYN : GREATER KUDU
Lab : Qoriyaale ; Sanqatab
Dheddig : Adeeryo ; Balanqo
………….

GOODIRKA YARYAR : LESSER KUDU
Lab : Goodir Caarre , Darcad
Dheddig : Adeeryo Caarrey
________________
GARANUUG : GERENUK
Lab : Liig
Dheddig : Tiingaa
Garanuugta dheddiga ee yar : calaydh
Dhal : Maaqul
_________
CAWL : SOEMMERRING’S GAZELLE
Lab : Cawl ; Jaxeedh
labka da’weyn : Isasudh
Dheddig : Cawl ; Masaal
___________
DEERO / EELO : SPEKE’s GAZELLE
Lab : Deer
Deerka yar waa : Gaban
Dehddig : Deero
________
BICIID : ORYX
Lab : Saryan , Gaashaanle
Dheddig : Biciid
Dhal : Booldhe ; Bulu
____________
SAKAARO : DIK-DIK

Sakaaradu waa afar nooc oo guud ahaan magaca Sakaaro ayaa  kadhaxeeya

waxa kamida
1.GUUYO : SALT’S DIK-DIK
2.QUSLEY : GÜNTHER’S DIK-DIK
3.GOLCAS : SILVER DIK-DIK
Lab : Atoor
Dheddig : Yac
Dhal : Jiis , Biiq , Jillin Sakaaro
______________
GOROYO : OSTRICH
Lab : Goray ; Haldhaa
Dheddig : Goroyo Cawal ; Booso
Dhal : Camarre ; Warriile
Koox Goraya ah : Gawar
meesha ay beedkeeda dhigto : Gaaf
_______________
GAMMAAN : EQUUS
Waa magac guud oo laysku yidhaah dhawr noocoo kala ah : fardaha , dameeraha , farowga iyo baqasha iwm
GUMBURI : SOMALI WILD ASS
FAROW : GRÉVY’S ZEBRA
FARAS  :  HORSE
Lab :  Faras
Dheddig  :  Geenyo
Dhal  : Darmaan
Faraska la dhufaanay : Sange
____________
WIYIL : RHINOCEROS

Dheddig : Gosol
____________

…..

imikana waxaynu u dahadhacaynaa qaybtii dugaaga
LIBAAX  :  LION
Lab  :  Aar  ; Gucumaale
Dheddig   :  Gool ; Adan ; Barambarqo
Dhal :  Cagabaruur
Koox   :  Adan
_________
WARAABE / DHURWAA : HYENA
Waraabe waa magaca guud oo ka dhaxeeya afar nooc oo aan sadex kamida ka xusi doono

waxa ka mida

1.WARAABE / DHURWAA :  SPOTTED HYENA
2.DHIDAR / WEER  :  STRIPED HYENA
3.SHAMBEEL / WEER DACAW  :  AARDWOLF
Dheddiga waraabaha : Candha Dheer
___________
SHABEEL  LEOPARD
Lab  :  Arbe ;  Ogobbe

____________

YEY / UUBATO / UULEY :  AFRICAN WILD DOG
Lab : Halyey
Dheddig :  Yeey

_______________________
DACAWO   :  FOX
Lab : Dacaw
Dheddig : Dawaco ; Huryo

______________

W/q  Abdirahman S. Barre

 

Advertisements

2 thoughts on “Duurjoogta (Magacyo)

Comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s