Isbedelka Macnaha

mawduucan wuxuu ku saabsanyahay isbedlka ku yimaada ereyada macnahooda

Qeexid : Isbedelka Macne waa tadawur kuyimaada istcimaalka ereyga

badanaa macnaha cusub wuxuu tilmaamaya wax ka duwan macnihii hore ee erey gaara lahaan jiray

arintaan isbedelka macnaha waa wax ay kasimanyihiin luuqadaha oo dhan oo afsoomaaliga kaliya kuma gaar aha

isbedelka macne wuxuu ku yimaada sababahan soo socda

1. Dareen La’aan  : oo bulshada dhexdeeda ayuu ka dhashaa
2. Qasdi  : oo cilmi-afeedyahannada (linguistics) iyo suugaanyahannada ayaa dhaliya

isbedelka macne ee ku yimid  Qasdiga iyo ku talagalka laba arrimood baa keena
*Baahi
*Adeedgsi

          ISBEDELKA KU YIMAADA BAAHIDA
Isbedelka Baahidu keentay waa mid ku talagal iyo qasdi loo sameeyay waxaana sameeya guddi isugu jira cilmi-afeedyahanno  iyo suugaanyahanno
waxaana keena dhawr arrimood

Isbedelka Bulshada
Bulshooyinka iyo umaduhu  waligood meel ma taagnaadaan ee isbedel iyo horumar  ayaa waqti walba ku yimaada  , sidaa darteed isbedel kasta oo bulshada ku yimaadaa wuxuu saamayn ku yeelanayaa afkeeda
markii shay cusub la arko  oo aan magac loogu yeedho horay deegaanka looga aqoon waxaa loo baahanayaa in la helo magacii loo bixin lahaa

hadaba magacaa si loo helo waa in :-
1. EREYADA IN MACNAHOODII HORE LAGA BADALO
iyadoo lasoo noolaynayo ereyadii hore ee afkeenna ku jiray ayaa shaygan cusub ee waxaa lasiinayaa magaca hore oo  wax gaara loo adeegsan jiray balse waxaa loo yeelayaa macne labaad oo cusub oo fikrad ahaan usoo dhow micnihii horey loogu yaqaanay

tusaale sida ereyga
GAADIID  waagii hore gaadiidku wuxuu ahaa awrta la rarto , markii dambena waxaa loo adeegsaday macne cusub oo ah waxkasta oo wax lagu rarto ama lagu socdaalo , sida baabuurta , doomaha , dayuuradaha ,
LAYLI ereyagan markii hore waxaa loo adeegsan jiray laylinta fardaha ama awrta loo tababarayo in la fuulo ama wax lagu rarto  , balse iyadoo ereygaas lasoo noolaynayo waxaa laga soo dheegtay macnihiisii oo waxaa loo adeegsaday ardayda la tababarayo

2.EREY QALAAD IN LASOO ERGAYSTO
marka shay cusub oo aan bulshada dhaxdeeda laga aqoon la helo , wax usoo macne dhow oo magaca laga soo dheegtana aanu markaa jirin  , waxay noqonaysaa in luuqad kale laga soo ergaysto magacii loogu yeedhi lahaa waxa kamida
ISKIRIIN ama JALAATO ama BARAF
sadexda magacba sadex luuqadood oo kala duwan baa lagasoo ergaystay baahi ayaana keentay oo dhulkeenu baraf male jalaatona laguma aqoon

waxa jira iyaguna ereyo lasoo ergaystay aadna loo istcmaalo oo booska ka qaaday ereyo asal ah oo kuwan qalaad waa la iska jeclaystay uun e baahi kumay imaan

         ISBEDELKA KU YIMAADA ADEEGSIGA
macnaha iyo adeegsiga ereyada , deegaanba deegaanka kale ayuu kaga duwanaan karaa , isla deegaanka kaliya dhaxdiisa , jiilba jiil inuu  kaga duwanaado ayaa dhici karta oo fikradii ereyga ama micnaha laga haystay baa lagu kala duwanaan karaa

Sababaha keena isbedelka xaga adeegsiga waxa kamida

1.SI QALDAN OO LOO FAHMO
qof baa erey maqlaya markii ugu horeysay isagoon macnahiisa garanayn markaasuu macne  qalada u qaadan karaa , sida qaldan ee uu u fahmay inuu dad badan ka dhaadhacsiiyo oo ay ka qaataan baa dhici karta
.
warfaafintuna qayb weyn ayay ka qaadataa , oo war-tebiyayaashu erey aanay macnihiisa garanayn haday si kale u adeegsadaan dadkii dhagaysanayay qayb baa siday u dhigeen u qaadan kara

2.IN LAGA XISHOODO
erey laga xishoonaya dhehidiisa ayaa waxaa booskiisa la galinayaa erey kale oo sarbeeb ah oo la iska fahmayo in lagu qarinayo midkii carrabka laga dhawrayay , sidaa darteed ereygan dambe ee sarbeeb ahaanta loo soo galiyay meesha macne cusub
tusaale :
NEEF oo looga jeedo neefta xaga danbe kasoo baxda  (dhuuso)
ereygan macne hore ayuu lahaa oo waa hawada balse marka laga hadlayo diinta oo casharka la marinayo culimadu ereyga Dhuuso ma adeegsato waxay adeegsataa ereyga Neef

 

Qaybaha Isbedelka Macnaha

1. Macnihii Oo La Balaadhiyo
waa iyadoo erey wax gaara loo adeegsan jiray , loo bedelo wax guud
sida ADEER oo inta laga kaxeeyo macnihii asalka ahaa ee qaraabada tilmaamayay ,  loogu yeedho nin kasta oo da’  wayn
iyo ereyga BEEL  oo loo adeegsan jiray reer yaroo meel wada degan oo awoowga shanaad isugu yimaada , lana siiyay macne ka balaadhan kiisii hore oo ah qabiil dhan oo toban awoow iyo labaatan awoow kala tirsada .

2.Macnihii Oo La Koobo
waa in erey wax guud loo isticmaalayay qayb kamida lagu gaaryeelo
sida GABBAL markii hore Qorrax buu ahaa iyadoon waqti gaara lagu koobayn , imikana qorraxda markay sii dhacayso baa lagu soo koobay
ereyga MEAT ee luuqada ingiriisiga markii hore guud ahaan cunto oo dhan buu ahaa , markii danbena hilibkaa lagu gaaryeelay
ereyga XARIIM حريم ee luuqada carabiga markii hore guud ahaan wixii xaaraan ah buu ahaa ,  markii danbana waxa lagu gaaryeelay dumarka

3.Macnahii Oo Wax Kale Loo Raro
waa iyadoo macnihii erey lagu yaqaanay loo raro macne ama adeegsi kale
sida QOYS oo markii hore ahaa aqal soomaali meel ka taagan oo ka dhisan , imikana qoys waxaa loo raray macne kale oo ah lammaane isqaba iyo caruurtooda

4.Macnaha Oo Hoos-u-dhac Ku yimaado
KURSI quraanka wuxuu ugu jiraa macna ahaan carshiga alle , kabacdina kursi kasta oo lagu fadhiisto baa kursi la yidhi

5.Macnihii Oo Qiimo yeesha
kadib markii loo adeegsan jiray wax liita
ereyga MARSHAL ee luuqada ingiriisiga markii hore wuxuu ahaa shaqaalaha xerada fardaha ka shaqeeya oo afsoomaali lagu dhaho (sees) , markii danbena wuxuu noqday derejo ciidan oo sarraysa

hadaba intaa hadii aan sharaxaad kaga baxno  bal aan u gudubno ereyada soomaaliga oo macnahoodii  isbedelay

ereyga macnihiisu isbedelay oo macne labaad  loo sameeyay waxaan kala sheegi doonaa macnihii hore ee asalka ahaa iyo macnaha cusub ee waa danbe uu yeeshay


ABWAAN

macnihii hore : nin aqoon iyo garasho dheeraada iyo waayo aragnimo leh
macnaha dambe : 1- buug lagu ururiyey laamaha aqoonta oo dhan (encylopedia)
2- qof hal-abuur suugaaneed leh
3- qof curiya riwaayadaha

QALANJO
macnihiii hore : dheddiga maroodiga
macnaha dambe : 1- gabadha jilaaga ah ee riwaayadaha & aflaanta jisha ,
2- gabadh aad u qurux badan

AFHAYEEN :
macnihii hore : turjumaan
macnaha dambe : qof ku hadla magaca cid , koox ama umad

SHOOLAD :
macnihii hore : dhuunta qiiqu ka baxo , sida dhuumaha qiiqa saara ee maraakiibta
macnaha dambe : qalab wax lagu karsado oo gaas ama koronto ku shaqeeya

 

DIIRAD :
macnihii hore : jiheeye (Compass)    (بوصلة)
macnaha dambe : aalad bikaaco leh oo wixii fog muuqaalkiisa soo dhaweeysa  (weyneyso)

GABBAL :
macnihii hore : qorraxda
macnaha cusub : qorraxdu markay sii dhacayso

QOYS :
macnihii hore : aqal soomaali meel ka dhisan
macnaha danbe : 1-labada isqaba iyo caruurtooda
2-qolo ama reer

LAAS :
macnihii hore : ceel
macnaha dambe : meel saxaraha badhtankiisa ku taal oo biyo le  (oasis   واحة )

SENGE :
macnihii hore : faras aan la dhufaanin
macnaha danbe : faras la dhufaanay

BAAQ  :
macnihii hore :
  cod ama calaamad gaar ah oo cid isku afgarato
macnaha dambe :  war rasmi ah

CAYNAB  :
macnihii hore : faras midabkiisu yahay dambasi caddaan xiga
macnaha dambe : faras madow oon midab kale ku lamaanayn

BEEL  :
macnihii hore   :  1- reero meel wada degan oo aan abtirsiinyo ka dhaxayn basle dan kale isugu yimi ,
2-  reer yaroo abtirsiinyo wadaaga oo isugu yimaada awoowga afaraad ama shanaad
macnaha dambe : qabiil weyn oo ballaadhan
tusaale elaba beelood baa isku laayay meel hebla  , beesha degta bariga ama waqooyiga meel hebla .

 

DAWLAD  :
macnihii hore : xukun , maamul , xukuumad  (Goverment) , oo macnahaas aya waagii hore ereygan loo adeegsan ilaa iyo hadana waa loo adeegsadaa  .
tusaale . ninkii dawlada ,  , dawlada ku meel gaadhka ah .
macnaha cusub  : (Sovereign state) dawlad is maamusha oo  calan iyo xuduud iyo nidaam leh dadna ku nool yihiin oo caalamku  aqoonsanayahay
tusaale . dawlada soomaaliya , dawlada maraykanka , dawlada masar

 

ereyadaas iyo kuwa kaloo lamid ahba  waxaa kuyimi isbedel macne ,

ereyada isbedelku ku yimi , qaarkood warfaafinta ayaa ka qaybqaadatay in macne cusub oo kii hore ka duwan  ay yeeshaan , iyagoo si qaldan ama aqoon la’aan ah intay u adeegsadeen dadka dhaxdoodana ku faafiyay siday ugu celcelinayeen.

sida ereyada  BEEL iyo BAAQ oo macnayaashooda aan kor ku  xusay  iwm  .

qaarna cilmi-afeedyahannada iyo guddiga afka ayaa macne cusub u yeelay markii loo baahday in shay cusub magac lasiiyo , waxayna ku qoreen  qaamuusyada iyo buugaagta  dugsiyada  sidaasayna ku hirgaleen  , sida ereyga LAAS oo micnihiisa aan kor ku sheegay iyo erey-bixinnada la midka ah .

_____________

w/q C.raxmaan saleebaan barre

 

Advertisements

Comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s