TIIRRIYIINTII DUNIDA SOO MARAY YEY AHAAYEEN

Tiirri = qof dherer iyo laxaad weyn leh (giant)

sida taariikhdu ku warranto waxaa dunida soo maray duul waaweyn oo ummadaha intooda kale dherer iyo xoogba dheeraa

yey ahaayeen duulkaasi xaggeyse ku danbeeyeen ?

waxaa jira sheekooyin badan oo xiiso leh oo khuraafaad ah oo laga sameeyay TIIRRIYIINTA
aflaan badan ayaa laga sameeyay , sawirro badan oo been-abuurad ah oo photoshop lagu sameeyay baa qalfoofo caadi ah inta la waynaysiiyay lagu andacoodaa inay yihiin qalfoofihii ummadihii horee tiirriyiinta ahaa , dad badan oo aan wax fahansaneynna run bay u qaataan

Continue reading

Advertisements

SARABADDA DANABKA

Sarbadda Danabku : waa dhuun si dabiici ah u samaysantay oo hoosta ka madhan oo ka samaysmatay ciid iyo carro Danabku dhalaaliyey

Sarabadda Danabku waxay samaysantaa marka Danabku uu ku dhaco Dhulka oo uu gubo , dhalaaliyona Carrada xubuubteeda macdaneed ee kala duwan isagoo dhalo / quraarad ka dhigaya waan markuu uu gaadho heerkulka ugu sarreeya oo ah 30,000 Kelvin

….

taasi waxay ahayd sharraxaad cilmiyaysan , bal aan faahfaahinno si loo wada fahmo

Danabku markuu dhulka isagoo aad u kulu kusoo dhaco ee uu carradii kala furfurnayd dhalaaliyo intay carradaas oo macdano kala duduwan ka koobnay shiilmato ayay isku dhagto , qaabkaas dhuunta ah ama usha ama Soomaalidu ugu magaca dartay Sabarrada ayay noqotaa ,

Sabrradaasi muddo aad u yar gudaheed ayay ku samaysmataa waxay yeelataa qaabab kala duduwan mid toosan mid sida xididda geedka faracyo leh , mid soo qoollaabta , midabbo iyo dhererro kala duwan ayay yeelataa , caddaan , casuus , madow , qaar baa dhudhun le’eg qaarbaa 2 mitir ah ,
waana macdan qaali ah oo la kala iibsado Sarabaddaasi Danabku

———-

Soomaalidu maxay ka aaminsantahay ??

waxay aaminsanyihiin dadka Soomaalida ahi Sarabad adag oo Bir ahai inay cirka kasoo dhacdo oo danabku wato , taasoo dhulka intay awood weyn ku gasho sii socta muddo 40 sannadood , 40kaas sannadood markay dhulka hoos ugu sii socoto , haddana 40 sano oo dambe kor u soo socota , ka bacdina dhulka kasoo baxda uu dushiisa lagu arko iyadoo macdan qaaliya noqotay ,

waxba kama jiraan oo Danabku bir ma aha birna ma wato
40 sano na ma sii socto 40 kale na masoo socoto , waa iska khiyaali iyo mala awaal

sawiraanta Sarabadda Danabku waa kuwan hoose

AB

21369178_1454822604585946_1516583137580133011_n

12ka Bilood ee Sannad Qorraxeedka Soomaaida

Magacyada 12ka bilood ee sannad qorraxeedka Soomaalida

Xilliga Guga

1. Seermawaydo : bisha hore ee Guga oo ku beegan bisha April نيسان
waxa da’a roobka u horeeya ee guga

2. Dirir Cawleed : bisha labaad ee xilliga Guga oo ku beegan bisha May ايار
waa badhtamaha Guga waa xilli roob badani da’o , magacaas waxaa loogu bixiyay waxaa aad u dhasha Cawsha

3. Dirir Sakaaro : bisha saddexaad ee xilliga Guga kuna beegan June حزيران

——-

Xilliga Xagaaga

Continue reading

DUBNADDA دومينو DOMINO

28 dhagax bay ka koobantay dubnaddu

wajiga dubnaddu wuxuu leeyahay laba dhinac oo liid u dhaxeeyo oo dhinaciiba dhibco kala duwan ku yaalliin

 

dubnada labadeeda dhinac markay dhibco isku mid ahi ku yaallaan ama ay wada caddahay waxaa loo yaqaan HABAR / DUBAARAD

marka la ciyaarayo waa laysku shaandheeyaa oo waa la rogaa si a

Continue reading

MAGACYADA SAACADAHA (HABEEN & MAALIN)

WAABBARI : kolka waagu dillaaco

AROOR : kolka waagau baryo ilaa qorrax soo baxa

BARIISO : qorrax soo baxa ilaa barqada 6-da subaxnimo ilaa 9-ka

BARQO : amminta u dhexeysa 9-ka ilaa 11-ka galinka hore

Continue reading

Magacyada Lafaha Dadka

Magacyada Lafaha Dadka  iyagoo afsoomaali &  carabi & ingirisi ah
___
w/d   Cabdiraxmaan S. Barre
_

16105873_1219785744756301_7477349124591572918_n
LaftaMadaxa    :  Skull  :  الجمجمة
Daanhoose  :  Mandible   :  الفك السفلي
Kood  :   Frontal Bone  :  العظم الجبهي
Qalfoon  :  Parietal  Bone  :  العظم الجداري
Jiriid  :  Condyloid Process  :  رأس الفك
Ilgoon  :  Orbit  :   محجر العين
Lafqadaad  :  Occipital Bone  :  العظم القذالي

16114752_1219785934756282_5526853966827666382_n
Afweyn  :  Atlas Vertebra  :  الأطلسية
Tukahadhiye  :  cervical  vertebrae  :  الفقرات العنقية
Adhax  :  Thoracic Vertebrae  :  الفقرات الصدرية
Waraq  :  Lumbar Vertebrae  :  الفقرات القطنية
Kalxan  :  Clavicle  عظم الترقوة
Lafgarab  :  Scapula  :  عظم الكتف
Lafsakaar  :  sternum  :   عظم القص
Feedh  :  Rib  :  الضلع

16142532_1219786188089590_1012065086359703327_n.jpg
Sin  :  Pelvis  :  الحوض
LafAdhax  :  Sacrum  :  العجز
Takoorin  :  Ilium  :   الحرقفة
Dabaggibin ama Lafdhumuq :  Coccyx  :  العصعص
LaftaBawdada  :  Femur  :  عظم الفخذ
Kuraakur  :  Patella  :  الرضفة
Biixiweyn  :  Tibia  :   قصبة الساق
Taarsuus  :  Tarsus  :   عظام الرصغ
Caqaw  :  Malleolus  :  الكعب
LaftaCududa   :   Humerus  :  عظم العضد
MataantaWeyn  : Radius   :  الكعبرة
MataantaYar  :  Ulna  :  الزند
Cumaacun  :  Phalanges  :  السلاميات

 

 

___

Geedaha Laga Midhaysto

w/d  Cabdiraxmaan S. Barre

kama hadlayo geedaha midhahooda loo beerto sida canbaha iyo tufaaxa , waxaan ka hadlaynaa waa geed-midheedyada iskood isaga baxa ee soomaalidu waagii hore midhaha ka guran jirtay kuwaasoo aad ku maqashaan suugaanta iyadoo lagu amaanayo geedahaas oo ay kamid yihiin gobka & yicibta & hohobta &  geedaha la midka ah  , oo imika sidii hore aan u bixin oo aan u badnayn   , mararka qaarbaa lagu qadi jiray midhahaas iyadoon wax kale la cunayn markii safar layahay oo aan sahayna la sidan ,

soomaaliduna aad bay u jecelaayeen sugaantana way ku amaanaan
qayb kamida midhahaas , magacyadooda & sawiradooda

1. Aneexo / uneexo   :   Cynanchum Somaliense Continue reading