Ereyo Afsoomaali Ah oo Ingiriisigu Inaga Amaahday

Badanaa waxaynnu maqalnaa ereygaa Soomaaliga ahi wuxuu kasoo jeedaa luuqadda Carabiga ama Ingiriisiga ama Hindiga ama Taliyaani , balse ma is tidhi marna tolow ma jiraan erey asal ahaan Soomaali kasoo jeeda oo ay luuqadaha kale amaahdeen .

Halkan waxaan kusoo gudbinayaa dhawr erey oo Soomaali ah luuqadda Ingiriisiguna ay inaga qaateen .

1. DABATAAG : waa xayawaan ku nool dhulka Soomaaliyeed Ingiriiskuna waxay qaateen magacii ay Soomaalidu ugu yeedhaysay xayawaankan , waxayna u qoraan sida tan DIBATAG

2.BEYRAC : waa xayawaan ugaadha ka mida oo ay isna Ingiriisigu qaateen magacii ay Soomaalidu u taqiinnay oo ay u qoraan sidan BEIRA

3.GARANUUG : xayawaan ka mida ugaadha oo ay isna Ingiriisku qaateen magacii Soomaalidu ay ugu yeedhaysa oo ay u qoraan sidan GERENUK

4.MAYDI : waa geed u gaar ah dhulka Soaamliyeed aadna uga baxa Sanaag , magaciisii Soomaaliga ahaa ayay isna qaateen Ingiriisku oo ay u qoraan sida aynu u qorno oo ah MAYDI

5.WARSANGALI : waa shimbir u gaar ah dhulka Soomaaliyeed oo aan meel kale laga helin , kuna gaar ah gobolka sanaag iyo carro Warsangeli sidaa darteed baa loogu magacdaray , Ingiriiskuna waxay dhahaan  WARSANGLI BIRD

6.WAABAY : waa sunta geedka WAABAY (Acokanthera schimperi) , Ingiriiskuna suntaas waxay dhahaan OUABAIN

 

W.Q Cabdiraxmaan Barre

Advertisements

Muruqyada Jidhka

Waa qayb yaroo ka mida muruqyada jidhka magacdoodii iyo sawirradoodii .

Deltooydh : deltoid : عضلة الكتف

27750410_1600377330030472_160597211122817613_n

 

Daqay : latissimus dorsi : عضلة الظهر

27540740_1600377416697130_4772644192245803282_n

 

Taraabeesiyas : trapezius : عضلة الترابيس

27459743_1600377493363789_3411935487175773597_n

 

Labamadaxle/labasuulle : biceps : ذات الرأسين

27332682_1600377583363780_2803854480132196870_n

 

Saddexmadaxle/saddexsuulle : triceps : ثلاثية الرؤوس

27545217_1600377626697109_5581802591981120665_n

 

Afaarmadaxle/afarsuulle : quadriceps : عضلة رباعية الرؤوس

27540768_1600377686697103_781587059981723318_n

 

Muruqa kubka : calf muscle : عضلة السمانة

27545088_1600377730030432_5904645164183105215_n

 

 

w.D Cabdiraxmaan Barre

Doorooyinku waa dir ka mid ah shimbiraha kuwaasoo ay dadku dhaqdaan , ugaadhsadaanna

Waa shimbiro aan duulimaad dheer sameyn karin , meelo fog aan u hayaami karin sida shimbiraha kaleba ugu haajiraan dhulal kale , taasina waa baalashooda oo gaagaaban awgeed.

Dirka Doorooyinku 7 bahood oo kala jaad ah bay u kala baxaan , balse innaga geyigeenna waxaa ku nool oo lagu arkay uun bah keli ah

halkan waxaan idin kula wadaagey shan dooro oo ka mid ah dirka Doorooyinka .

Magacdoodii (Soom – Ing – Car) + muuqaalkoodii

 

RUUMI : Turkey : الديك الرومي

23795596_1524379970963542_3071338923314947271_n

 

DIGIRIN : Guineafowl : الدجاج الغيني

 

23915834_1524380507630155_4409323151383200411_n

 

DOORO-KHALIIF : Francolin : الدراج

23915998_1524380710963468_904574880339394988_n

 

SAMMAAN : Quail : السمان

23843655_1524381100963429_6257446433475881332_n

 

KABARRAY : Spurfowl

23795693_1524381530963386_1994356276754302770_n

 

 

W.Q Abdirahman Barre (AB)

Lacagihii Aynnu Isticmaali Jirey Gumeysiga Hortii iyo Dabadiiba

Kollay inta warkooda aan haynno waxaa ka mida lacagta rubbiga la dhaho oo ah lacagta Hindida , lacagtaas gumeysiga ka hor iyo ka dibba waynnu isticmaali jirney oo waxay inaga soo gashay waa ganacsigii ka dhexeeyey Hindida iyo Carabta iyo Soomaalida .

Magacyada aynnu u isticmaalnana badankooda waxaad mooddaa inay xagga Cadanta iyo Carabaha inaga soo gaadheen inkastoo Carabta laftoodu ay Hindida kasoo qaateen .

Rubbigu wuxuu leeyahay lacago qadaadiic ah oo jajab ah
Waxaana ka mid ah

AARDI : lacagta ugu yareyd ee rubbiga , laga yaabee in aanay dadka hadda nooli badankoodu garanayn amaba magac kale u yaqaannaan .

CAANAD : Indian anna = آنة

Waxay u dhigantaa 10 santi , kalmadda anna Carabtu آنة bay dhahdaa oo iyaguba cumladda Hindiya way isticmaali jireen , Afsoomaaligana sida la ogyahay ereyga Carabiga ah ee ay soo ergeystaan haddii Ta’ gaaban ( تاء مربوطة ) u danbeyso waxaa loo beddelaa ‘Da’ sida 《 cimaamad , dalcad , daaqad iwm 》
sidoo kale mararka qaar ereyga Carabiga ah ee xarafka ‘A’ ka billowda Soomaalidu ‘Ca’ bay u beddeshaa sida 《 carmal 》

GAMBO ama KUMMI = waa lacag jajab ah oo u dhhiganta 10 santi waxay la mid tahay caanad .
Ereyga kummi micnihiisu waa toban wuxuu kasoo jeedaa Afsawaaxili

TAANO = waxay u dhigantaa 5 Santi waa erey Sawaaxili ah oo la macno ah shan

CAANTEYN ama CAANATEYN = 2 annas = آنتين oo ka dhigan laba caanadood oo u dhigma 20 santi .
SAAQ = laba caanadood waxay la mid tahay caanteynka

SUMUNI waxay u dhigantaa afar caanadood oo u dhigma 40 santi

BEESAD : Paisa = بيسة / بيزة

BEESTAYN : 2 Paisas = بيستين / بيزتين yacnii waa laba beesadood .

Lacagtaas rubbiga ah oo waddamo badan laga isticmaali jiray waxaa soo saari jirey Ingiriiska (Britain Indian rupee) ayaa la odhan jirey .

Haddaba markii Hindiya ay ka xorowday Ingiriiska 1947 ayey sameysatay lacag rubbi ah oo u gaar ah .

Bacdeen lacagtii horee rubbiga ayaa bilaa qiimo noqotay oo isticmaalkeedi joogsaday .

Markaa Ingiriisku wuxuu Bariga Afrika u sameeyey lacag cusub oo shilin la dhaho .

Deetana shilin inoo gaar ah oo Somali shilling ah baynu yeelannay . Burburkii ka dibna Somaliland Shilling ayaa kusoo biiray .

 

 

W.Q   Abdirahman Barre (AB)

 

Cilmiga Abla-ablaynta Baayolojiyeed

Waa laan ka mid ah Baayolojiga kaas oo u kala qaybiya noolayaasha kooxo kooxo had ba siday isu raacayaan , qaybin taasoo ku dhisan hab-dahqanka , qaab-dhismeedka , sifooyinka hidde-sidaha .
Waxaana darajooyinka abla-ablaynta sees u ah sinjiga
Sinjigu (Species) wuxuu isku xidhaa koox noolayaal oo is-shabbaha , isna gaya oo soo saari kara fac cusub oo bacrinsan

Sooyaalka Abla-ablaynta

Abla-ablaynta nooluhu waxay soo martay heerar kala duwan oo ku xidhan kolba waqtiga la joogo iyo aqoonta uu Aadamuhu u yeeshay noolayaasha ku hareeraysan

waagii hore wuxuu isku dayay Aadamuhu inuu noolayaasha u kala sooco , Shimbiro , Cayayaan , Dhir .

Heer waxaa la soo maray in la mideeyo oo kaliya magacyada kala duduwan ee xayawaannada ee heer degmo ah , iyadoo hal magac oo caalami ah lagu midaynayo.

Culimo badan oo kala danbeeyay baa dadaal geliyay inay abla-ableeyaan noolaha , waxaana ugu xusid mudan

1. Aristootal (Aristotle) :

Waa buunigii ugu horreeyay ee noolaha u kala soocay , DHIR & XAYAWAAN ,
Xayawaankana usii kala saaray DHIIGLEY & DHIIGLA‘ (Lafdhabarley & Lafdhabarla‘) , sidoo kaale wuxuu Xayawaanka u kala soocay kolba sabada ay ku noolyihiin
* Xayawaan Barriyeed * Xayawaan Badeed * Xayawaan Duula

2. Liniiyes (Linnaeus) : wuxuu qoray buugaag badan oo ku saabsan abla-ablaynta , wuxuu u kala soocay noolayaasha qaybo kala duwan isagoo raacaya qaab-dhismeedka kore ,
Boqortooyaadana wuxuu u kala saaray Faylamyo , Faylamyadana wuxuu usii qayb-qaybiyey Dirar iyo Baho , waa na ninkii dejiyey Magac Cilmiyeed (Laatiineed) illaa iyo haddeer la adeegsado

Ereybixintan Soomaaliyeed waxaa dejiyey Barayaashii hore ee xilligii dawladda dhexe , waana mid hirgashay

Waxa keliya ee aan ku daray anigu waa ereybixinta ah Boqortooyo Sare (Domain/Superkingdom/Empire) oo aan horey loogu darin abla-ablaynta .

 

NOLOL    :    life    :   حياة

BOQORTOOYO SARE    :   empire  :    نطاق

BOQORTOOYO    :     kingdom    :     مملكة

FAYLAM      :      phylum      :     شعبة

GACAL    :    class    :    صف

DIR    :     order     :     رتبة

BAH    :     family    :     فصيلة

DUUL    :     genus     :     جنس

SINJI      :      species      :      نوع

 

22405695_1484722134929326_399755271555877427_n

 

 

W.D    Abdirahman Barre (AB)

12ka Bilood ee Sannad Qorraxeedka Soomaaida

Magacyada 12ka bilood ee sannad qorraxeedka Soomaalida

Xilliga guga

1. Seermawaydo : bisha hore ee guga oo ku beegan bisha April نيسان
waxa da’a roobka u horeeya ee guga

2. Dirir Cawleed : bisha labaad ee xilliga guga oo ku beegan bisha May ايار
waa badhtamaha guga waa xilli roob badani da’o , magacaas waxaa loogu bixiyay waxaa aad u dhasha cawsha

3. Dirir Sakaaro : bisha saddexaad ee xilliga Guga kuna beegan June حزيران

 

Xilliga xagaaga

Continue reading

DUBNAD دومينو DOMINO

Dubnaddu 28 dhagax bay ka koobantay . Halkanna waxaynnu ku kala baranaynaa magacyada loo kala yaqaan dhagaxyadaas .

Dhagaxa dubnadda wejigiiisu wuxuu leeyahay laba dhinac oo liid u dhaxeeyo oo dhinaciiba dhibco kala duwan ku yaalliin , qaarkoodna bilaa dhibco yihiin .

Dubnada labadeeda dhinac markay dhibco isku mid ahi ku yaallaan ama ay wada caddahay waxaa loo yaqaan HABAR / DUBAARAD . Continue reading