Magaalada Guureysa Maxay Aheyd

Waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta aad looga hadalhayaa in la soo sheegay magaalo guureysa oo ay arkeen dadka reer Jalaqsi .

Haddii ay JIRTO dhacdadaasi oo la ARKAY wax u eg magaalo oo leh daarihii iyo dhismayaashii oo hawada heehaabaysa , oo aanay BEEN aheyn , waxaasi muxuu yahay ? muxuu noqon karaa ?

Dhalanteed / wirwir / dhallaanhabaabis (mirage) haddaad agranaysaan oo aad aragteen , dhacdadanina wax kale ma aha waa hadday jirto e waa DHALANTEED .

Af-ingiriisiga waxaa lagu yidhaahdaa dhacdada noocaasa Fata Morgana Mirage ( Dhalanteedka Faata Morgaana) waa ifafaale aan badanaa la arag , waxaa lagu arkaa barriga , saxaraha oo kale , ama badda korkeeda , dhalanteedka faata morgaana wuxuu soo celiyaa (oo aad ka dhex arkaysaa) hummaagga waxkasta xitaa waxaasi aad ha uga fogaadaan , ama haku beegnaadaan , xitaa dhalanteedkaas waxaa laga dhex arkaa hummaag aan ufuqaba laga arkayn oo aad u fog .

Dhalanteedkaasi si dhakhsa ah buu isu bedbeddelaa oo hummaaggii kaaga muuqday midabbadiisii qaababkiisii ayaa isbedbeddelaya .

Tusaale ahaan haddii ay kuu muuqatay doon weyn oo cad , wax yar ka dib hummaaggii wuuu isu beddeli karaa doon yar ama shakli kale oo casaan ama jaalle ama midab kale yeeshay . Ama wax is rogaya ama soconaya oo kale ayay kuu la muuqan .

Dadka leh waxaan aragnay magaalo guuraysa waxay la kulmeen dhacdada (Dhalanteedka Faata Morgaana) oo laba midkood baa suuragal ah
1. In magaaladii hummaaggeedii oo daarihii iyo guryihiiba leh xagga sare ay ka daawadeen weliba sawirkii magaalada oo hoos u soo jeeda .
2. In magaalo kale oo ka ag dhaw sawirkeedii ay ka dhex arkeen ufuqoodaas .

Sawirrada xaafado ama guryo heehaabaya cirka ee dadku isweydaarsanayaan waa BEEN waa sawirgacmeed lagu sameeyay Photoshop .

Fiidiyowyada ay ku jiraan guryo hawada heehaabaya oo laga dhigayo dhacdo mucjiso ah iyo wax aan la garaneyn iyana waa BEEN video editing lagu sameeyay , qofka arrimahaas ka dhega la’ waa lagu harowsan karaa .

Gunaanad
Magaalo guuraysa iyo mucjiso toona ma aha dhacdada laga soo sheegay Jalaqsi ee waa DHALANTEED

Abdirahman Barre (AB)

Advertisements

Dib U Dhalashada Baqayaha Maxaa Ka Run Ah

Waxaa aad u faafay warbixin cajiib ah oo sheegaysa shimbirka loo yaqaan (EAGLE) inuu marka uu gaadho da’da 30 sano ay soo haleesho tabardarro dhan kasta ah , inuu ciddiyihiisii beelo oo ay waxba u qaban kari waayaan , in uu gafuurkiisu gaammuro oo qalloocsamo , baalashiisuna ay cuslaadaan oo uu duuli kari waayo .

Markaa xaalladdaasi ay soo wajahdo baqayaha , wuxuu ku dhuuntaa buur dheer figteeda sare meel uu buul ka samaystay , halkaas ayuu muddo 5 bilood ah isku dayaa inuu dib isu cusboonaysiiyo , isagoo gafuurkiisa ku garaacaya dhagaxa , ciddiyihiisii iyo baalashiisiina iska siibaya .

Sheekadan cajiibki waxay odhanaya shimbirkaasi markuu intaa sameeyo , gafuurkii uu iska jabiyay beddelkiisa waxa u soo baxaya gafuur cusub oo xoog leh , ciddiyihii gaammuray ee uu iska siibayna beddelkooda waxa u soo baxaya ciddiyo af badan , baalashii cuslaaday ee uu ka duuli kari waayay markuu iska dhilayna beddelkoodii waxa u soo baxaya baalal cusub oo aad u fudud .

Marka ay u soo cusboonaadaa saddexdii wax ee ugu muhiimsanaa noloshiisa oo ah gafuur , ciddiyo iyo baalal wuxuu noqdaa sidii wax haddadaas uun dhashay , wuxuuna sii noolaadaa illaa 30 ama 40 sano oo kale , markast oo uu dhammaysto 30 sanana wuxuu sameeyaa sidii hore si le’eg , markaasna weligii dhiman maayo illaa uu isagu isdhiibo mooyee .

MAXAA KA RUN AH ?

Qaab nololeedka shimbirka baqayaha (eagle) ama guud ahaanba haadda (raptors) iyo warbixinta noocan ahi aad iyo aad bay u kala fogyihiin . Shimbirka baqayaha cimrigiisu waa qiyaastii 30 , marka uu da’daa gaadhana uma dhinto ciddiyo iyo gafuur uu beelay , ee waqtigiisii dabiiciga ahaa baa ka idlaaday weeye . Haaddu haddii ay ciddiyaha iyo gafuurka beesho waa run oo macaluul bay u bakhtiyi , hase ahaatee inuu dhaawac soo gaadhay ciddiyaha ama gafuurka mooyee , si dabiici ah uma beelo midkoodna . Baalashana iskama rifto haaddu noocay doontaba ha ahaatee , inay iskeed u beesho cudur ku dhacay awgii mooyee .

GUNAANAD

Shimbirka baqayaha , gorgorka , haadda kale iyo noolayaasha kale oo dhan midna suurta gal uma aha inuu kordhisto cimrigiisa , warbixintan sheegaysa in shimbirkaasi cimrigiisa dheerayn karana waa KHURAAFAAD aan loo meel dayin , waxaanse ka xumahay in si weyn loo aaminay khuraafaadkaas , wargeysyo , websaytyo , tiifiiyo iyo dad aan been looga baran ayaa warbixintaas BEENTA ah ka qaybqaatay faafinteeda . Xaqiiqda inaad ogaataa ma adka inaad faafisaana ma adka .

 

 

W.Q   Abdirahman Barre (AB)

Xeerarka Weyneynta Xarafka Hore ee Far Soomaaliga

Weyneyntu waa in erey xarafkiisa u horreeya la weyneeyo xarfaha kalena la yareeyo , halkan waxaan kusoo koobi doonaa xeerarka weyneynta xarafka hore ee far Soomaaliga . Waana lagama maarmaan in la barto oo la raaco .

Shaqada ugu muhiimsan ee ay weyneyntu qabanaysaa waa in diiradda la saaro maaddo gaar ah oo ka tirsan shay-yaal , goobo , ama dadba . Waxaynnu ku tiraabi karnaa ‘’Iskuulkoo dhan arday baa u sarreeyay ‘’ ama tooshka adigoo si gaar ah ugu ifinaya ardayga u sarreeyay kana soocaya ardayda kale ayaad odhan kartaa ‘’Iskuulkoo dhan waxaa u sarreeyay Cali Maxamed” .

Bal haddaba aynnu u gudubno xeerarka weyneynta .

🔹 Xeerka 1aad .
Weynee markasta xarafka hore ee ereyga u horreeya qoraalkasta , iyo joogsi kasta dabadii .

🔹 Xeerka 2aad .
Weynee xarafka hore ee magacyada gaarka ah (proper nouns) iyo sifooyinka laga soo dhambalay magacyada gaarka ah .
Tusaale :
cunto Soomaali , hees Carbeed .
Markan ereyada Soomaali iyo Carbeed waa sifooyin laga soo dhanbalay magacyo gaara .

Liiska Magacyada Gaarka Ah ee La Weyneynayo
——- ——- ——- ——- ——- ——-

•• Magacyada shirkada , sida Telesom , Oomaar , Golis , iwm
•• Maalmaha ciidaha
•• Magacyada toddobaadka iyo bilaha oo dhan , sida Jimce Sabti Axada , Abril Juun Nofembar ….
•• Xilliyada taariikhiga ah , sida Halgankii Gobanimo Doonka , Dagaalkii Labaad ee Adduunka iwm ….
•• Dhismayaasha gacanta lagu sameeyay , sida Taallada Sayidka , Taallada Axmed Guray , Fooqa Dahabshiil , iwm ….
•• Magacyada qaaradaha , waddamada , gobollada , tuulooyinka , sida Afrika , Soomaaliya , Maroodijeex , Hargeysa …..
•• Meelaha dabiiciga ah iyo kuwa dadku sameeyey ee caanka ah , sida Buurta Daalo , Dooxada Nugaal , Ceelka Caynaba , iwm ….
•• Naaneysaha iyo tilmaamaha , sida Axmed Dheere , Cabdi Madoobe , Cali Waraabe , Jaamac Oday , iwm….
•• Magacyada machadyada , iskuullada , koleejyada , sida Jaamacadda Camuud , Iskuulka Al-furqaan , Koleejka Manhal ,
•• Magacyada ururrada iyo hay’adaha , sida Bisha Cas , Laanqayrta Cas , iwm …..
•• Magacyada meerayaasha , sida Dusaa , Farraare , Cirjeex . Balse dhul lama weyneynayo sida meerayaasha kale …
•• Magacyada jinsiyadaha iyo qabiilooyinka , sida Afrikaan , Ingiriis , Carab , Isaaq , Daarood , Hawiye , iwm …..
•• Magaca Alle iyo magacyada diimaha , magacyada Ilaahay oo dhan waa laweyneynayaa , sidoo kale weynee Islaam , kiristan , Quraan , laakiin lama weyneynayo janno , naar , shaydaan ….
•• Magacyada waddooyinka , sida Waddada Hawlwadaag , Cabbaaye , iwm ….

Aan wax ka xuso iyagana magacyada aan la weyneyneyn .

Liiska Magacyada Aan La Weyneyneyn
——- ——- ——- ——– ——– ———
Magacyada guud ee xayawaanka , sida libaax , maroodi , geri , deero , geel , mas , shimbir ,yaxaas , diin ,iwm ….
Cuntooyinka oo dhan lama weyneynayo haddii aan laga soo dhambalin magac gaara , sida canjeelo Soomaali , taas waa la weyneynayaa .
Qorraxda iyo dayaxa lama weyneynayo
Xilliyada sannadka lama weyneynayo , sida guga , xagaaga , dayrta , iwm ..
Dhirta , geedaha , iyo khudaarta lama weyneynayo , sida qudhac , cambe , tufaax , liin , iwm …

🔹 Xeerka 3aad .
•• Weynee jagooyinka iyo teetallada marka ay ka horreeyaan magaca .
Tusaale : waxaa manta safar u baxay Madaxweyne Farmaajo .
•• Mansabyada sida tababare iyo barofeesar , agaasime ,guddoomiye lama weyneynayo hadday magaca oo buuxa ka hormaraan . Tusaale : barofaseer Cabdalla Cumar Mansuur , balse mansabkaa waxaa la weyneyn karaa hadii uu ku jiro booska magacii koobaad , sida Barofaseer Raabbi .

🔹 Xeerka 4aad .
Weynee teetalka haddii aad qof ugu yeedhaysid , sida inaad dhahdo bal i shaybaadh , Diktoore .
Fiiragaara : mudane iyo jaalle iyo gacalle iwm lama weyneynayo .

🔹 Xeerka 5aad .
Weynee magacyada qaraabada marka ay ku jiraan booskii magaca qofka . Tusaale : wuu soo noqday Aabbe , maanta waad nuuraysaa Ayeeyo , iwm …..
Fiiragaara : magacyada qaraabada lama weyneynayo marka ay raacaan magacuyaallada ama marka ay ka dnbeeyaan magaca qofka . Tusaale : awoowgay baa jooga , Cumar abtigii waa dhakhtar ..

🔹 Xeerka 6aad .
Qasab ma aha inaad weyneyso ereyada magaalo , gobol , tuulo , iwm marka ay ka hormaraan magac gaara . Tusaale : magaalada Muqdisho , gobolka Sool …

🔹 Xeerka 7aad .
Weynee markasta ereyga u horreeya weedha kolmada ku jirta sida “Maanta waa maalin weyn” .
Fiiragaara : ha weyneyn ereyada komada ku jira , haddii ay sidii hal weedh oo sii soconaysa tahay , sida tusaalahan : Cumar wuxuu yidhi “ciyaari waa gelin danbe”ee ha u bixina “waynnu guulaysan e” .

🔹 Xeerka 8aad .
Weynee halka ay su’aali ka billaabmayso . Tusaale : waxaan isweydiiyaa , Waa maxay falsafad ?

🔹 Xeerka 9aad .
Ha weyneyn ereyada ka gadaaleeya labada dhibcood ee isdulsaaran .

🔹 Xeerka 10aad .
Ciwaannada marka aad qoraysid .
•• Weynee ereyada ciwaanku ka koobanyahay oo dhan .Tusaale : Xuska Maalinta Afka Hooyo .
•• Weynee sifooyinka , falalka , magacyada , magacuyaallada , falkaabayaasha .
Ha weyneyn xidhiidhiyayaasha sida (iyo , ama , mise , laakiin , ee , oo , iwm ) .
Ha weyneyn .
Ciwaan hoosaadku waa la xeer ciwaanka sare .

 

 

W.Q Cabdiraxmaan Saleebaan Barre

Aqoonta Masaska

Mas sidoo kale loo yaqaan abeeso Soomaalidu muuqiisa iyo sheegsheeggiisa toona ma jecla , si kastaba ha ahaatee bal wax uun haba yaraatee ka ogow uumanahan .

Waa noole xammaarte ah oo ka mida xayawaannada dhiig qaboobayaasha ah , wuxuu leeyahay jidh kala baxa oo ay jidhfo ku dahaadhan yihiin . Ma laha addimo , dhego dibadeed , iyo dabool indhood midna .

Masaska dunida korkeeda ku nool waqti xaadirkan waa 3000 oo jaad qiyaastii , waxaana waabay leh 600 oo jaad oo keliya , 200 oo ka mid ahna aad bay halis u tahay waabaydoodu . Masasku waxay ku filiqsanyihiin dhammaan qaaradaha adduunkoo dhan marka laga reebo qaaradda Antaartikada .

Dareemayaasha Maska

Dareenka Aragga : masasku kama wada sinna aragga oo qaar baa araggoodu hooseeyaa , qaarna waa dhexdhexaad , qaarna waa heer sare . Masaska kuwooda ku nool godadka iyo dhulka hoostiisa waxaa ka arag sarreeya kuwa ku nool dhirta dushooda , balse guud ahaantood araggoodu waa iska daciif . Waxa jira masaska qaar oo wax ku arka kaaha ka hooseeya casaanka (infrared radiation) waxayna adeegsadaan waa xubin ku taal sanka iyo isha dhexdooda .

Dareenka Urinta : waa dareenka keliya ee haga masaska ayna ku tiirsan yihiin , masasku sida dadka oo kale sanka wax kama uriyaan ee carrabkooda ayey wax ku uriyaan .

Dareenka Maqalka : ma laha masasku dhego dibadeed , balse waxay leeyihiin dhego gudeed , sidaa darteed ma maqlaan codadka iyo jabaqda , laakiin taasi kama dhigna inay dhego la’yihiin ee waxay adeegsadaan dareen gaar ah oo u saamaxaya inay maqlaan dhulka dushiisa iyo hoostiisa waxa socda , haddii aad mas ku qayliso ku maqli maayo laakiin haddii aad dhaqaaq sameyso wuu ku maqli .

Quudka Masaska

Masasku waa hilibcunayaal giddigood , kuwa yaryari waxay quutaan cayayaanka kuwa waaweynina jiirarka iyo bakaylayaasha iyo ugaadha intaa kasii waaweyn bay quutaan .
Masaska qaarna sun bay leeyihiin oo ay ku dilaan ama ku siririyaan xayawaanka ay maagganyihiin , qaarna sun ma laha balse awood bay u adeegsadaan iyo inay isku duubaan oo ay naqaska ku xidhaan sida jabisada oo kale.
Masasku waxba ma calaaliyaan , xayawaanka ay cunayaanna sidiisa ayay ku liqaan , oo afkooda ayaa kala bixi og mana laha ilko iyo cirrid toona , markay mar xayawaan liqaanna in badan baanay waxba ugaadhsan waayo dheefshiidkooda ayaa gaabin og oo muddo ayuu ku jiraa calooshooda xayawaankii ay liqeen .

Taranka

Badanaa xilliga guga ayay masasku isu tagaan , waxayna beedeeyaan halkii mar inta u dhexeysa 4 – 100 ukun . Masaska qaar baa ukun dhala illaa inta ay ka dillaacaysana ilaaliya , qaarkoodna calooshooda ayey ukunta ku hayaan illaa inta ay ka dillaacayso .

Xog dheeraad ah

●● Maska ugu dheer adduunka ee weli nool waa nooc ka mida jabisada , waxaana lagu magacaabaa Medusa , dhererkeeduna waa 7.67 m qiyaastiina miisaankeedu waa 160 kg . Maska ugu yarna waa 10 sm.

●● Maska ugu culus uguna weyn waa nooca anaakoondaha

●● Ma jiraan masas baalal leh oo duuli kara , balse waxaa jira masas booda bootin dheer , sida maska loo yaqaan Flying tree snake .

●● Ma jirto jawharad ama dhagax iftiimaya oo ay masasku liqaan ama ay u adeegsadaan inay wax ku ugaadhsadaan, waa khuraafaad uun dadka dhexdiisa ku faafay .

●● Masaska ugu cimriga dheer celcelis ahaan waxay noolaadaan 35 sano .

●● Hal ama laba jeer bay masasku galdhacsadaan sanbadkiiba , waxaana sababa koritaanka jidhkooda iyo haraggiisii jidhifaysnaa oi cidhiidhi ku noqda , markaasna dildillaaca .

●● Waa la dhaqan karaa masaska xitaa kuwooda waabayda leh , aqoon ayayna dhaqashadoodu u baahantahay , masaska waaweyn ee aad shaashadaha ka daawatay iyagoo dadku qoorta iyo garbaha ku sita waxay u badanyihiin nooca loo yaqaan jabisada oo haba yaraatee wax sun ah aan laheyn , masaska la dhaqdo qaarkood sun wey leeyihiin laakiin waxaa lagu xushaa dhibyaraantooda .

●● Maska sunta leh iyo kaan sunta laheyn waxaad ku kala garankarta waa qaabka madaxoodu u sameysan yahay , jaadadka masaska ee madaxoodu u egyahay mulqacadda wax sun ah malaha 99% . Masaska madaxoodu wareegsanyahay ama saddexgeeska u sameysanyahay waxay u badanyihiin qaar waabay leh . Waxaad kaloo ku kala garan kartaa indhaha , oo masaska wiilkoodu alifka yahay ee indhaha bisadaha oo kale leh gebi ahaatood waabay ayay leeyihiin , kuwa wiilashoodu wareegsanyihiin sida aadanahoo kalena waxay u badanyihiin kuwo aan sun lahayn .

 

W.Q Cabdiraxmaan Saleebaan Barre

 

Maxay Ku Kala Duwanyihiin Luuqad iyo Lahjad

LUUQAD (Af) : waa waxa ay aadanuhu isku fahmaan kuna wada xidhiidhaan .

LAHJAD (Afguri) : waa qaabka loo hadlo .

Intaasi waa qeexid aad u kooban , balse haddii aynnu sii faahfaahinno .

Cilmi-afeedyahannadu waxay ka dhaheen luuqadda
1. Inay tahay hadalka oo ku kala duwanaada hal macne .

2. Hadlaha oo ujeedkiisa ku cabbira weedh kasoo baxday afkiisa .

Haddaba kala duwanaanshaha luuqadda iyo lahjadda haddaan tusaale ka bixiyo marka hore waa inaad maanka ku haysaa LUUQADDU inay tahay hadalka bulsho isku dhaqan ahi ay ku wada xidhiidhaan LAHJADDUNA ay tahay qaabkii loogu dhawaaqayay .

Luuqaddii keliya bulshadii adeegsanaysay waa ay kala dhawaaq duwanaanaysaa , marka la isbarbardhigo gobollada iyo magaalooyinka ay ku kala noolyihiin .

Tusaale .
Haddii aad hal erey oo ah GAADHI/GAARI ka dalabto laba qof oo Soomaali ah oo kala haysta lahjafaha koonfur iyo waqooyi inay ku dhawaaqaan , midna wuxuu ugu dhawaaqi gaadhi , midna wuxuu ugu dhawaaqi gaari , waa isla halkii erey , macnihii isma beddelin , waxaa isbeddelay waa dhawaaqa .
Ka warran haddii aad labadoodii ka dalabto inay sheeko aad qortay kugu dul akhriyaan , dee midkastaa sidii uu u yaqaannay buu ereyada kasoo hor baxa ugu dhawaaqi .

Mar kale haddaan ku celiyo LAHJADDU (AFGURIGU) waa qaabkii hadalka loo odhanayay ama ereyga loogu dhawaaqayay , dadkuna way ku kala geddisanyihiin taa iyada ah .
Bal ila eeg tusaalahan .
•• Libee dhulshey in roogni jhabaan sagaari ye leyi! (Maymay)
•• Libaax dhulkiisii aan joogin jabaq sakaaro ayuu leeyahay ! (Maxaatidhi)

Tusaalahan kore eed aad aragtaa waa isla ereyadii , isla macnihii , balse laba qaab oo kala duwan loogu dhawaaqay .

Lahjaddu kuma xidhna a fahan iyo fahan la’aan , oo lama odhan karo lahjadda ay iska fahmayaan dadka kala degaanka duwani waa lahjad , tii aan la fahmeyninna luuqad ma ah , sidaa la odhan maayo .

Maaymaygu Ma Lahjad Afsoomaaliga Ka Midaa mise Waa Luuqad Iskeed U Taagan

Maaygu waa lahjad Afsoomaaliga ka mida , waan ogahay dadka ku hadla lahjadaha Maxaatiriga ma fahmaan illaa ay bartaan Maaymayga , laakiin taasi kama dhigna inay Luuqad goonnideeda u taagan tahay , Maaygu waa qaab ay dadka deegaankaasi ugu dhawaaqaan ereyada Soomaaliga ah , Aniga laftaydu berigii hore waxaan aaminsanaa Maaymaygu inuu af kale yahay .

Soomaaliga oo keliya ma aha ee luuqadaha caalamkoo dhan baa lahjado kala duwan leh , cilmi-afeedyahannaduna waxay u kala saareen lahjaddii iyo luuqaddii si fudud oo loo fahmi karo .

Luuqaddu waa hadalka .
Lahjadduna waa qaab dhawaaqa .

Tusaale ahaan luuqadda Carabiga oo kale , lahjado badan bay leedahay , waxaase ugu adag lahjada Aljeeriyaanka , lahjadda Marooko iyo ta Liibiya , lahjadahaasi ma fahmi karayo qof Carabiga yaqaanna , haddana iyadoo aan la fahmi karin lama odhan waa luuqad goonni ah . Balse waa lahjado Afcarabiga ka mida .

 

 

W.Q Cabdiraxmaan Saleebaan Barre

Beerta Dadan (The Greenhouse)

Waa maxay faa’iidooyinka iyo ahmiyadda ay leeyihiin beeraha dadan ?

Beerta dadan waxay leedahay faa’iido dhaqaale iyo mid waqti labadaba . Dhirtu way kala duduwantahay oo qaar baa baxa xilliyada kulul sida xagaaga , qaar baa ku baxa carro gaar ah , qaar baa buuraha uun ku baxa , qaarba waa nooc .
Xabxabka oo kale wuxuu soo go’aa xagaagii uun sida caadada ah .

Haddaba beerta dadan faa’iidooyinkeeda waxaa ka mida

■ Waxay soo saareysaa khudaartii iyo ubixiiba xilli kasta oo loo baahdo
■ Waxay yareynaysaa khasaarihii ka iman jirey isbedbeddelka jawiga
■ Khudaartii iyo midhihii oo sidii hore ka qurux badan , ka waaweyn , ka badan , kana bisil
■ Halkii biyo badan lagu waraabin jirey beerta caadiga ah , tani uma baahna biyo badan ee waxaa ku filan in yar .

Arrimahaasi waxay faa’iido u yihiin dadkii khudaarta u baahnaa iyo beeraleydii labadoodaba , dadku suuqii bay ka helayaan midhihii iyagoo ka waaweyn ka taran badan kana bisil xilli walba , marka la barbardhigo kuwii loo beeray sida dabiiciga ah , beeraleydiina dhaqaale fiican ayey ka macaashayaan .

Sidey U Shaqeysaa Beerta Dadan

Balaastigga ku dadan beerta ayaa wuxuu u keydinayaa una qaybinayaa abuurka , kulka iyo jawiga uu u baahanyahay , hadday noqoto kul iyo cimilo dabiici ah iyo haddii kaleba .
Dharaartii wuxuu ka ilaalinayaa kulkii cadceedda ee dheeriga ah , habeenkiina wuxuu siinayaa kul keyd ah , sidoo kale dabeyshii badneyd ayuu ka yareynayaa , cayayaanka iyo waxyaabaha kalee beerta waxyeelleynayana wuu ka ilaalinayaa .

Xuduudda Xorriyatul-Qowlka

Marka hore waa maxay xorriyatul-qowl ?

Xorriyatul-qowl waa xaqa uu qof u leeyahay inuu fikirkiisa iyo aragtidiisa ugu cabbiro hadal ama qoraal ama si kale oo wax lagu cabbiri karo , inta aanuu ku xadgubeynin ama dhib u geysanaynin cid kale .

Xorriyatul-qowlku waa xaq ka mida xuquuqda aadanuhu leeyahay , mana bannaana in qof xorriyaddiisa laga hor istaago , haddii aanuu cid kale wax dhibaato ah , si toos ah ama si dadbaah ugu geysanayn .

Waxaa loo aqoonsanyahay bulshada aan dadkeedu awoodin inay afkaartooda si xor ah u cabbiraan bulsho aan xor ahayn .

Xuduudda xorriyatul-qowlku waxa weeye anigoo aad u soo koobaya .

Waa in aadan cid kale ku xadgudbin , xadgudubkaasi noocuu doono ha noqdo , aflagaaddo , been-abuurad , ceebayn iyo fadeexadayn aan la mutaysan iyo wixii la mida .

■ Intaad qof aflagaaddayso ma odhan kartid xorriyatul-qowl baan sameeyay , a’aah taasi waa xadgudub .

■ Qof aad ka been-abuuratay uguma marmarsiinyoon kartid inay xorriyatul-qowl tahay .

Qof walba xorriyad ayuu leeyahay , balse cidina ma laha xorriyad buuxda , xorriyadkastaa way qaydantahay oo xuduud ayey leedahay .

Xeerarka dadku dejisteen iyo xeerka samaawiga ah ee dhammayska tiran intuba xorriyaddeenna way qaydayaan .

Sidaaa darteed waxaa la inaga rabaa inaynu kala garanno xorriyadda iyo xadgudubka , oo aynaan iskudhex walaaqin .

 

 

W.Q Cabdiraxmaan Barre