Maxay Ku Kala Duwanyihiin Luuqad iyo Lahjad

LUUQAD (Af) : waa waxa ay aadanuhu isku fahmaan kuna wada xidhiidhaan .

LAHJAD (Afguri) : waa qaabka loo hadlo .

Intaasi waa qeexid aad u kooban , balse haddii aynnu sii faahfaahinno .

Cilmi-afeedyahannadu waxay ka dhaheen luuqadda
1. Inay tahay hadalka oo ku kala duwanaada hal macne .

2. Hadlaha oo ujeedkiisa ku cabbira weedh kasoo baxday afkiisa .

Haddaba kala duwanaanshaha luuqadda iyo lahjadda haddaan tusaale ka bixiyo marka hore waa inaad maanka ku haysaa LUUQADDU inay tahay hadalka bulsho isku dhaqan ahi ay ku wada xidhiidhaan LAHJADDUNA ay tahay qaabkii loogu dhawaaqayay .

Luuqaddii keliya bulshadii adeegsanaysay waa ay kala dhawaaq duwanaanaysaa , marka la isbarbardhigo gobollada iyo magaalooyinka ay ku kala noolyihiin .

Tusaale .
Haddii aad hal erey oo ah GAADHI/GAARI ka dalabto laba qof oo Soomaali ah oo kala haysta lahjafaha koonfur iyo waqooyi inay ku dhawaaqaan , midna wuxuu ugu dhawaaqi gaadhi , midna wuxuu ugu dhawaaqi gaari , waa isla halkii erey , macnihii isma beddelin , waxaa isbeddelay waa dhawaaqa .
Ka warran haddii aad labadoodii ka dalabto inay sheeko aad qortay kugu dul akhriyaan , dee midkastaa sidii uu u yaqaannay buu ereyada kasoo hor baxa ugu dhawaaqi .

Mar kale haddaan ku celiyo LAHJADDU (AFGURIGU) waa qaabkii hadalka loo odhanayay ama ereyga loogu dhawaaqayay , dadkuna way ku kala geddisanyihiin taa iyada ah .
Bal ila eeg tusaalahan .
•• Libee dhulshey in roogni jhabaan sagaari ye leyi! (Maymay)
•• Libaax dhulkiisii aan joogin jabaq sakaaro ayuu leeyahay ! (Maxaatidhi)

Tusaalahan kore eed aad aragtaa waa isla ereyadii , isla macnihii , balse laba qaab oo kala duwan loogu dhawaaqay .

Lahjaddu kuma xidhna a fahan iyo fahan la’aan , oo lama odhan karo lahjadda ay iska fahmayaan dadka kala degaanka duwani waa lahjad , tii aan la fahmeyninna luuqad ma ah , sidaa la odhan maayo .

Maaymaygu Ma Lahjad Afsoomaaliga Ka Midaa mise Waa Luuqad Iskeed U Taagan

Maaygu waa lahjad Afsoomaaliga ka mida , waan ogahay dadka ku hadla lahjadaha Maxaatiriga ma fahmaan illaa ay bartaan Maaymayga , laakiin taasi kama dhigna inay Luuqad goonnideeda u taagan tahay , Maaygu waa qaab ay dadka deegaankaasi ugu dhawaaqaan ereyada Soomaaliga ah , Aniga laftaydu berigii hore waxaan aaminsanaa Maaymaygu inuu af kale yahay .

Soomaaliga oo keliya ma aha ee luuqadaha caalamkoo dhan baa lahjado kala duwan leh , cilmi-afeedyahannaduna waxay u kala saareen lahjaddii iyo luuqaddii si fudud oo loo fahmi karo .

Luuqaddu waa hadalka .
Lahjadduna waa qaab dhawaaqa .

Tusaale ahaan luuqadda Carabiga oo kale , lahjado badan bay leedahay , waxaase ugu adag lahjada Aljeeriyaanka , lahjadda Marooko iyo ta Liibiya , lahjadahaasi ma fahmi karayo qof Carabiga yaqaanna , haddana iyadoo aan la fahmi karin lama odhan waa luuqad goonni ah . Balse waa lahjado Afcarabiga ka mida .

 

 

W.Q Cabdiraxmaan Saleebaan Barre

Advertisements

Muruqyada Jidhka

Waa qayb yaroo ka mida muruqyada jidhka magacdoodii iyo sawirradoodii .

Deltooydh : deltoid : عضلة الكتف

27750410_1600377330030472_160597211122817613_n

 

Daqay : latissimus dorsi : عضلة الظهر

27540740_1600377416697130_4772644192245803282_n

 

Taraabeesiyas : trapezius : عضلة الترابيس

27459743_1600377493363789_3411935487175773597_n

 

Labamadaxle/labasuulle : biceps : ذات الرأسين

27332682_1600377583363780_2803854480132196870_n

 

Saddexmadaxle/saddexsuulle : triceps : ثلاثية الرؤوس

27545217_1600377626697109_5581802591981120665_n

 

Afaarmadaxle/afarsuulle : quadriceps : عضلة رباعية الرؤوس

27540768_1600377686697103_781587059981723318_n

 

Muruqa kubka : calf muscle : عضلة السمانة

27545088_1600377730030432_5904645164183105215_n

 

 

w.D Cabdiraxmaan Barre

Beerta Dadan (The Greenhouse)

Waa maxay faa’iidooyinka iyo ahmiyadda ay leeyihiin beeraha dadan ?

Beerta dadan waxay leedahay faa’iido dhaqaale iyo mid waqti labadaba . Dhirtu way kala duduwantahay oo qaar baa baxa xilliyada kulul sida xagaaga , qaar baa ku baxa carro gaar ah , qaar baa buuraha uun ku baxa , qaarba waa nooc .
Xabxabka oo kale wuxuu soo go’aa xagaagii uun sida caadada ah .

Haddaba beerta dadan faa’iidooyinkeeda waxaa ka mida

■ Waxay soo saareysaa khudaartii iyo ubixiiba xilli kasta oo loo baahdo
■ Waxay yareynaysaa khasaarihii ka iman jirey isbedbeddelka jawiga
■ Khudaartii iyo midhihii oo sidii hore ka qurux badan , ka waaweyn , ka badan , kana bisil
■ Halkii biyo badan lagu waraabin jirey beerta caadiga ah , tani uma baahna biyo badan ee waxaa ku filan in yar .

Arrimahaasi waxay faa’iido u yihiin dadkii khudaarta u baahnaa iyo beeraleydii labadoodaba , dadku suuqii bay ka helayaan midhihii iyagoo ka waaweyn ka taran badan kana bisil xilli walba , marka la barbardhigo kuwii loo beeray sida dabiiciga ah , beeraleydiina dhaqaale fiican ayey ka macaashayaan .

Sidey U Shaqeysaa Beerta Dadan

Balaastigga ku dadan beerta ayaa wuxuu u keydinayaa una qaybinayaa abuurka , kulka iyo jawiga uu u baahanyahay , hadday noqoto kul iyo cimilo dabiici ah iyo haddii kaleba .
Dharaartii wuxuu ka ilaalinayaa kulkii cadceedda ee dheeriga ah , habeenkiina wuxuu siinayaa kul keyd ah , sidoo kale dabeyshii badneyd ayuu ka yareynayaa , cayayaanka iyo waxyaabaha kalee beerta waxyeelleynayana wuu ka ilaalinayaa .

Xuduudda Xorriyatul-Qowlka

Marka hore waa maxay xorriyatul-qowl ?

Xorriyatul-qowl waa xaqa uu qof u leeyahay inuu fikirkiisa iyo aragtidiisa ugu cabbiro hadal ama qoraal ama si kale oo wax lagu cabbiri karo , inta aanuu ku xadgubeynin ama dhib u geysanaynin cid kale .

Xorriyatul-qowlku waa xaq ka mida xuquuqda aadanuhu leeyahay , mana bannaana in qof xorriyaddiisa laga hor istaago , haddii aanuu cid kale wax dhibaato ah , si toos ah ama si dadbaah ugu geysanayn .

Waxaa loo aqoonsanyahay bulshada aan dadkeedu awoodin inay afkaartooda si xor ah u cabbiraan bulsho aan xor ahayn .

Xuduudda xorriyatul-qowlku waxa weeye anigoo aad u soo koobaya .

Waa in aadan cid kale ku xadgudbin , xadgudubkaasi noocuu doono ha noqdo , aflagaaddo , been-abuurad , ceebayn iyo fadeexadayn aan la mutaysan iyo wixii la mida .

■ Intaad qof aflagaaddayso ma odhan kartid xorriyatul-qowl baan sameeyay , a’aah taasi waa xadgudub .

■ Qof aad ka been-abuuratay uguma marmarsiinyoon kartid inay xorriyatul-qowl tahay .

Qof walba xorriyad ayuu leeyahay , balse cidina ma laha xorriyad buuxda , xorriyadkastaa way qaydantahay oo xuduud ayey leedahay .

Xeerarka dadku dejisteen iyo xeerka samaawiga ah ee dhammayska tiran intuba xorriyaddeenna way qaydayaan .

Sidaaa darteed waxaa la inaga rabaa inaynu kala garanno xorriyadda iyo xadgudubka , oo aynaan iskudhex walaaqin .

 

 

W.Q Cabdiraxmaan Barre

Maxay Ku Kala Duwanyihiin Aqal iyo Guri

1. AQAL : house
Waa dhisme la samaystay oo dadku u hoydaan .
 
2. GURI : home
Waa meel la degganyahay ama la degi karo
 
Aqalka iyo guriga waxaa micna ballaadhan guriga , AQAL waa dhismaha uun , balse gurigu wuu ka macna weynyahay oo meel kasta oo la dego ama dhisme haka taagnaado ama yuusan ka taagnaan e waa GURI .
W.Q Cabdiraxmaan Barre

(LIDYO) Ereyo Leh Macne Isku Liddi Ah

Afsoomaaliga waxaa ku jira ereyo isku dhawaaq ah oo isku dhigaal ah, oo isla halkii erey ah oo leh laba macne oo iska soo horjeeda, cagsi isku ah yaysan badnaanba e, ereyada noocaasa Afsoomaaliga hadda kumay soo biirin, balse sida illaa hadda muuqata cid hore wax uga qortay ama uga hadashay ma jirto ogaalkay. Ereyadu waxay yeeshaan micne kala duwan, ama isu dhaw, arrinta aan ka hadlayaa waa ereygii oo yeesha laba micne oo iska soo horjeeda gebi ahaanba.
Ereyada noocaasa oo tiraba aa haddeer ururiyay 9 erey, inta looga helayo magac guud oo la isku raacay, waxaan usii bixinayaa LID wadartooduna tahay LIDYO. Halkan hoose ka dheeho

 

1.CAYNAB
Faras caddaana oo danbisi xigeen ah
Faras madaw dhuxuliya ah

2.SENGE 
Faras dhufaanan
Faras aan la dhufaanin ; qoodh ah

3.DIRAAC
Xilli barwaaqo ah
Xilli abaar ah

4.JIILAAL
Xilliga u dhexeeya Diseembar  –  maaraj
Xilliga u dhexeeya Juun – Ogoosto

5.GABADH
Marwada la qabo
Inanta aan weli la guursan

6.MUKHAALAFO
Is afgarad iyo wadajir
Khilaaf

7.ISKADHAL
Qof ay iska dhaleen laba waalid oo kala jinsiyad duwan sida (Soomaali & Hindi)
Qof ay iska dhaleen laba waalid oo xigaalo ah

8.BACADLE
Ganacsade cadceedda iyo bacadka ku gada alaabaha, sida kaariyoonlayaasha
Ganacsade wax ku iibiya hangar ama hool weyn oo hadh leh, bacadna aan arag

9.HIMISE
Waa iftiinka yar ee diciifka ah marka waagu dillaaco illaa inta fallaadhaha cadceeddu kasoo muuqanayaan
Waa iftiinka yar ee diciifka ah marku qorraxdu dhacdo illaa inta aasku madoobanayo

 

W.Q Abdirahman Barre (AB)

MAXAY KU KALA DUWANYIHIIN  DHADO & CEERYAAN & CIIRO & HARAB ?

1. DHADO : Fog : الضباب

waa daruur khafiif ah oo hooseysa , si kale haddaan u dhigo waa dhibco yaryar oo biyo ah oo isku cufan qiiqna wata oo aroortii la arko xilliga jiilaalka , waxay ka dhalataa marka dabayl qabow ay ku dhacdo dhul diirran  , dhadadu markay jirto aragga fogi wuu yaraadaa shilalkuna way bataan.
2. CEERYAAN : Mist : سديم

ceeryaantu way ka khafiifsantahay dhadada , waa dhibco biya ah oo hawada heehaabaya , dhulkana aad ugu dhow , ceeryaantu markay jirto waxaa la arki karaa wixii ka sokeeya 1000mitir (1km) .

3. CIIRO : Haze  : غبش

Ciiradu waa saxarro boodh iyo qiiq iwm ka kooban oo yaraysa aragtida cirkana qarisa .

4. DHARAB : Dew : الندى

waa biyo aroortii hore lagu arko caleemaha iyo ubaxyada iyo sagxadaha dushooda wuxuuna dharabku ka sameysmaa uumiga biyaha oo isu bedela dhibco biyood marka qabaw jiro.