Duurjoogta (Magacyo)

Duurjoogtu waa xayawaannada duurka yacnii kaynta ku nool oo aan la dhaqan .

Duurjoogtu waxay u qaybsantaa laba qaybood
1.UGAADH : waa kuwa la ugaadhsado oo cawska iyo biyaha kunool

2.DUGAAG : waa kuwa hilibcunka ah oo ugaadha ku nool .
Duurjoogtu way badanyihiin waana kala noocyo , halkanna kumasoo wada koobi karo e inta ugu caansan baan wixii ii suuragala ka sheegayaa .
Ugaadha haddaynu ku horreyno waxay u qaybsantaa laba nooc
1.ISHIN ugaadha waawayn sida goodirka , biciidka iwm
2.YARIS ugaadha yaryar sida deerada , sakaarada iwm

MAROODI : ELEPHANT
Lab : arbe ; qoraaje ; araye
Dheddig : goso ; qalanjo
Dhal : boojay ; uunfannays

Foolkiisa : faan / foolmaroodi Continue reading

Advertisements