Duurjoogta (Magacyo)

Mawduucan wuxu ku saabsanyahay magacyo .

Duurjoogtu waa xayawaannada duurka ku nool oo aan la dhaqan

Duurjoogtu waxay u qaybsantaa laba qaybood
1.UGAADH : waa kuwa la ugaadhsado oo cawska iyo biyaha kunool

2.DUGAAG : waa kuwa hilib cun ah oo ugaadha ku nool.
Duurjoogtu way badanyihiin waana kala  noocyo , halkanna kumasoo wada koobi karo e inta ugu caansan baan wixii ii suuragala ka sheegayaa .
Ugaadha haddaynu ku horreyno waxay u qaybsantaa laba nooc

1.ISHIN ugaadha waawayn sida goodirka biciidka iwm
2.YARIS ugaadha yaryar sida deerada , sakaarada iwm

MAROODI : ELEPHANT
Lab : Arbe ; Qoraaje ; Araye
Dheddig : Goso ; Qalanjo
Dhal : Boojay ; Uunfannays

Foolkiisa : Faan / Foolmaroodi Continue reading

Advertisements